War cusub oo ka soo kordhay dilkii Gaalkacyo loogu geystay Nimco Cumar

Ciidamada maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay iney shaqsi u qabteen dilkii tooreyda loo adeegsaday ee habeen hore loo geystay Gabar ka mid aheyd shacabka magaaladaas.

Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Nimco Cumar Shire ayaa xilliga la dilayay waxay kasoo baxday Masaajid ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo oo ay ku soo dukatay salaada taraawiixda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug iyo laamaha Amniga ayaa xaqiijiyey in la qabtay nin si weyn loogu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilkaas, isla markaana ay socdaan baaritaano, iyagoo xusay iney maxkamad soo taagayaan.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay gabadhaas iyo cidii ka dambeysay, waxaana falkan arxan darada ah si weyn looga hadal hayey magaalada Gaalkacyo 24kii saac ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -