Maxaa ka jira in Fahad Yaasiin uu Itoobiya u tegay qorshe ka dhan ah Galmudug & Jubbaland?

asiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kashifay qorshe uu wado ku-simaha agaasimaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Somalia NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah la geeyo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

Qoraal uu faafiyey ayuu ku sheegay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajid in ku simaha ka ah hayā€™adda Nabadsugidda uu Addis ababa u tegay dhowr jeer isagoo raadianya ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyo magaalooyinkaasi, wuxuuna yiri:

ā€œWiilka ku simaha ka ah hayā€™adda Nabadsugida ayaa todobaadkii ugu danbeeyey dhowr jeer isaga daba noqday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuu kulamo la yeeshay saraakiil sare oo sirdoonka Milateriga Itoobiya ka tirsan. Willku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kaleā€¦ā€

C/raxmaan C/shakuur Wuxuu baaq u diray dowladda Itoobiya, isagoo ka dalbaday inay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo.

ā€œShacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan fara gelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017kii iyo tii maamul Goboleedka K/Galbeed ee ay Baydhabo 2018 ka gaysteen” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -