Qooley looga shakisanaa in ay tahay basaas weyn oo muddo kaddib lasoo daayay !

Waddamada caalamka qaarkood ayaa sirdoon ahaan u adeegsada xayawaano nuucyo kala duwan si ay xoggo u helaan, waxaana xayawannadaasi qaarkood soo helaan xoggo sirdoon oo looga diro dalal ama meelo kale oo la qorsheeyay.

Dowladad Hindiya ayaa muddo ku dhaw sannad waxa ay meel gaar ah ku xabistay Qooley nooca loo yaqaanno Xamaam , waxa ayna Qoyleydaan Hindiya uga shakisay in ay sirdoon u tahay dalka ay dariska yihiin ee Shiinaha.

Baaritaano dheer kaddib ayaa dowladda Hindiya oo shimbirtan ku heysay isbitaalka xayawaanada ee dalkaas u oggolaatay in ay duusho, waxaana la waayay tuhunkii horey looga qabay shimbirta.

Qooleydan laga shakiyay ee xuriyadeeda dib loogu celiyay ayaa waxaa lugaha ugu qornaa qoraallo u muuqday in lagu qoray luuqadda dalka Shiinaha, taas oo dhalisay cabsi ah inay tahay basaas shiinees ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -