Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Wasaaradda Gaashaandhiga gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha a Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay mar dhow ka bilaabatay Munaasabadda Xuska 62 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo iyo taliyaal katirsan ciidanka dowladda iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan xarunta Wasaaradda gaashaandhigga halkaas ay ka socoto munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayo aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Waddooyinka magaalada Muqdisho intooda badan ayaa saakay xiran, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada inta ay socoto munaasabada xuska aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo ka socota Wasaaradda gaashaandhigga.

Related posts

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo soo saaray amar ku socda heyadaha DF

Caydiid Ali

Qorshe la doonayo in AMISOM ku dhax gasho ciidamada ku dagaalamay Muqdisho oo socda

Cabdi Cade

(Akhriso) Khudbadii Farmaajo ka jeediyey shirka Madaxda Afrika oo dhameystiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---