Haweeney Guddoomiye degmo ka soo noqotay Muqdisho oo loo Magacaabay duq Magaalo

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa  xilkii looga qaaday Duqii degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax

Wasiirka ayaa waxaa xilka duqa Magaalo loogu Magacaabay Haweeney lagu Magacaabo Safiyo Xasan Sheekh Cali oo bedeleysa duqii hore ee Baladweyne.

Lama oga ilaa hadda sababaha rasmiga ah ee xilka looga qaaday duqii magaalada B/weyne inkastoo wareegtada lagu sheegay in talaabadaas ay ku timid baahi loo qabo in isbedel la sameeyo.

Safiya Xasan Sheekh Cali duqa cusub ee magaalada Belad-weyne ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waana markii ugu horeysay ee haweeney loo magacaabo duqa magaalada B/Weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -