Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo taliska Booliska oo ka hadlay

Qarax ayaa caawa xiligii afurkaka dhacay degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga xeebta Liido.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka aargada Liido ka dib markii uu halkaas ku qarxay gaari walxaha qarxa lagu soo dhejiyey sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal kooban oo soo dhigtay barteeda Facebook ku faahfaahisay qaraxan.

ā€œAbbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ayaa ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiroā€ayay tiri Zakiya Xuseen.

Xiliga uu qaraxu dhacayey ayaa ku beegneyd salaadii maqrib ka dib waqti ay dadku u fadhiyeen afurka, waxaana goobtaas gaaray ciidamada amaanka oo halkaas baaritaano ka sameeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -