Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay in xabsiga lagu sii hayo Antony Thomas

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amartay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska.

Ninkan ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day Qatar gelinta degenaanta guud ee garoonka Aadan cadde iyo ku guul dareysiga sheegida waxyaabaha Qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii la soo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ka qabteen Antony Thomas xili uu ka duuli rabay halkaas.

Waxaa ninkan boorsadiisa laga helay waxyaabo qarxa gasac uu ku jiray gaaska dadka ka ilmeysiiya ayuuna watay, waxaana markii ay qabteen ciidamada amaanku uu ka jawaabi waayey sababta uu gaaska u watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo kulan la qaatay Golaha dhaqaalaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Habraaca doorashada Xubnaha Aqalka sare ee gobolada Woqooyi oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Hooyo Xaflad ay aadeesay Sabab u noqday Geerida Wiilkeeda iyo Carro ka dhalatay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---