Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu sameeyay Jabhado Hubeesan

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in uu sameeyay jabhado loogu tala galay in lagu carqaladeeyo maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo sameeyay jabhado hubeesan oo lagu qasayo Jiritaanka Somaliland.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland in ay si fiican u garanayaan dadka hogaaminaya Jabhada hubeesan uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna sheegay in arimahaasi maamulkooda si wanaagsan ula socdo.

Maxamed Axmed Kaahin ayaa sheegay in dacwad arintan ku saabsan u gudbiyeen beesha Caalamka, waxa uuna uga digay dadka uu sheegay in damaca uu kaga jiro in ay carqaladeeyaan nabada Somaliland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedan xoogan ee kaga timid dhinaca Somaliland, waxaana marar badan maamulka Hargeysa dowlada federaalka ku eedeeyeen in xasilooni daro ka abuureyso deegaano katirsan maamulkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -