Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Taraafikada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha ciidanka nabad galyada wadooyinka Muqdisho .

Wareegtada kasoo baxday Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Generaal Maxamed Xuseen Madaale in uu noqdo taliyaha ciidanka Taraafikada magaalada Muqdisho.

Ciidanka Taraafikada magaalada Muqdisho ayaan mudooyinkii lasoo dhaafay laheyn wax taliye ah, waxa ayna taasi hoos u dhigtay shaqadii ay qaban jireen ciidanka Nabad galyada Wadooyinka ee Taraafiko.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca shilal badan oo sabab u noqda darawalada gaadiidka iyo mootooyinka oo xirfad badan laheyn, waxaa sidoo kale magaalada ku yar shaqada ciidanka taraafikada oo looga fadhiyay kala hagida gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada sare ee Mareykanka oo xukuntay go’aan hurdo la’aan ku riday Trump

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Maxkamad looga Dacweenayo dadkii maanta lagu waxyeeleeyay Muqdisho

Cabdi Cade

Muxuu Laascaanood ka qabanyay taliye hore ee Danab ka hor inta aan la dilin?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---