Nin ka carooday xaaskiisa oo socday in ka badan 420-KM iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa sheekada nin u dhashay dalka Talyaaniga oo mudo todobaad ka badan ku jiray socod, kaddib markii ay murmeen kana careesiisay xaaskiisa.

Ninkan oon magaciisa la shaacin ayaa isaga tagay gurigiisa, kaddib markii ay murmeen xaaskiisa uu jeclaa, waxa uuna ninkan go’aansaday in uu iska socdo si carada uga ba’do balse is hilmaamay iskana sii socday.

Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa ku warantay in ninkan iska socday mudo todobaad ka badan laguna arkay meel u jirta halkii uu kunoolaa 420-km , waxaana ninkan la sheegay in uu doonayay in uu iska sii socdo kahor inta aan la helin.

Ninkan oo kasoo jeeda magaalada Como ee ku taalla woqooyiga Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in uu si weyn u carooday uuna galay isla hadal taas oo keentay in uu iska socdo ilaa 420-km.

Carada iyo dhibaatooyinka ka dhax dhaca qoysaska ayaa mararka qaar keena isku buuq iyo dhibaatooyin badan, waxaana raga qaar isaga haajiraan guryahooda marka ay murmaan ama khilaaf soo kala dhax galo xaasaskooda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -