Saciid Deni oo booqday qabriga Madaxweynihii hore ee Somalia (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegay Qabriga Alle Hau naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Afhayeenka Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Deberaani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle ha siiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd  uu uga tegey dalkiisana ku abaal mariyo” ayuu yiri Afhayeenka.

C/llaahi Yuusuf ayaa Madaxweyne ka soo noqday Somalia intii u dhexeysay 2004-2008-dii, wuxuuna geeriyooday 23kii Maarso sanadkii 2012 isagoo ahaa 77 jir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -