Sannadkii labaad oo ay Jaaliyadda Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda 2 goobood ku kala afureen [SAWIRRO]

Jaaliyadda Soomaalida magaalada Zwolle ee waddanka Nederlands ayaa sannad walba bisha Ramadaan (Maalinta Sabtida) goob ku wada afura, waxaanna munaasabadaasi soo agaasima guddiga jaaliyadda.yada C/qaadir Cali [Nuune] oo ka mid ah qabanqaabiyaasha munaasabadan ayaa sheegay in muddo dhowr iyo 10 sanno ah ay wadeen qorshahan meel-ku wada afurida ah, isaga oo xusay   in ujeeddadu tahay in dadku ay meel ku wada cibaadeystaan, iskuna wareystaan

“Waa madal aan ku duceysano, dalka & dadkana ugu duceyno, qof kasta ee innaga mid ah, una baahan in la caawiyo loogu gurmado” ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo xusay in sannad walba ay sii kordhayaan dadka soo xaadiraya munaasabada afurka, wuxuuna u mahadceliyey hooyooyinka soo diyaaraya cunooyinka kala duwan ee lagu afuro.

“Waxaan ku faraxsanahay in tiro intaas la’eg oo Soomaali sooman ah  ay meel qura ku wada afuraan, taasina  ay marqaati u tahay sida ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Zwolle & magaalooyinka ku dhowdhow ay u yihiin dad isku xiran, tusaale fiicanna u noqon kara Soomaalida” kale ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Raage Jaamac Aadan oo ka mid ah jaaliyadda, ayaa u mahadceliyey C/qaadir Nuune, wuxuuna tilmaamay  in isaga & dad badan oo jaaliyadda ka tirsan oo ay dhibaato la soo deristay in Nuune uu ahaa shaqsiga keliya ee u soo gurmaday, lana qeybsaday marxaladihii adkaa ee ay ku jireen xilligaas.

“Nuune waxqabadkiisa jaaliyadu waa ogtahay waa nin 24 saac heegan u ah caawinta dadka Soomaaliyeed, wuxuu kaaga imaanayaa meel walba oo uu joogo,  isaga oo aan cidina maalgelin, wax lacag ahna aan ku weydiisan, dadka maanta jooga in laga helo qof sidiisa oo kale ah waa dhif iyo naadir” Ayuu yiri Raage, isaga oo intaasi raaciyey;  “Aniga sannadkan aabaheey ayaa dhintay AUN  Soomaaliya ayaa ku mqnaa,  waxa uu inoo qabtay wax la soo koobi karo ma ahan, reerkii ayuu is garab taagay, meel weyn buu nagaga soo baxay haddana wuxuu yiri qoyskii culeys la saarayo ma jirto, wuxuu isku duba riday in reerkii raashin loo keeno”

C/qaadir Maxamed Cali [Qaate] oo isna ka mid ah jaaliyadda uma aqoonsana Nuune guddoomiyaha jaaliyadda, wuxuu ku doodayaa in   guddoomiyaha sharciga ee jaaliyada uu yahay   Axmed Hayaan, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri:

“Dalkani, wuxuu leeyahay nidaam, suurtagal ma ahan in qof walba waxa uu jecel yahay noqon karo,  guddoomiyaha sharciga ah ee jaaliyada Zwolle, kana diiwaangashay degmada [gemeenthuis] waa Axmed Hayaan, walaalkeey C/qaadir Nuune inuu yahay shaqsi dadka u samafala cidna kuma haysato, taas macnaheedu ma ahan inuu xaq u yeesho hogaanka jaaliyadda,  xilligii uu xilkaasi hayey wuu dhammaaday, jaaliyadu waxeey leedahay goob cayiman oo weligeed lagu afuri jiray [masaajidka suriname-ta], guddoomiye Axmed Hayaan wuxuu qabtaa howlo badan oo ay ugu horreeyso caruurta Soomaaliyeed inuu ka caawiyo imtixaanaadka iyo inuu dugsiga qur’aanka u xilsaaran yahay, mana aha shaqsi jecel in waxqabadkiisa la sheeg sheego waa qof isu arka ineey waajib ku tahay dadkiisa wixii uu tari karo inuu taro in ay xaq ugu leeyihiin.”

Marka laga hadlayo Jaaliyad Soomaaliyeed oo middeysan,  jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda waxey ka mid aheyd kuwa naadirka ah ee farta lagu fiiqo, hasse ahaatee sannadkii hore waxaa ku yimid kala qeybsanaan markii koox ka  ka mid ah aasaasayaashii jaaliyada oo ay wehliyeen xubno ku dhow 10 ay qaadaceen in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha C/qaadir Nuune oo haysta aqlabiyada ugu badan ee jaaliyada, iyaga oo ku dhaliilay inuu dib uga dhacay xilligii loogu talogalay doorashada,  waxaanna xubnahaasi ay dhisteen guddi gaar ah oo uu madax u yahay Axmed Hayaan.

Waxgarad badan oo Soomaali ah ayaa walaac ka muujiyey haddii aan xal degdeg ah loo helin khilaafka curdunka ah ee jaaliyadda soo kala dhexgalay in xaaladdu faraha ka sii bixi doonto, waxaanna ay soo jeediyeen in aysan suurtagal aheyn dad Soomaaliyeed oo hal xaafad degan in ay 2 goobood ku kala afuraan,

- Advertisement -