Adeegto khalad yar ay ka gashay Qoys Sacuudiyaan ah loo ciqaabay (Daawo Sawirro)

Boqortooyada Sacuudiga waxaa si xun loola dhaqmaa haweenka adeegtada ah ama ka shaqeeya guryaha qoysaska Sacuudiga, waxa ayna haweenkaasi si joogto ah ula kulmaan jirdil , kufsi iyo dhibaatooyin kale.

Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday ciqaab daran oo gudaha Sacuudiga lagu marsiiyay haweeney adeegto ah oo u dhalatay dalka Filibiin, kadib markii khalad ay gashay ay ku muteesatay ciqaab xanuun badan.

Lovely Acosta Baruelo oo 26-sano jir ah ayaa alaab qaali ah ay lahaayeen qoyska ay u shaqeeneysay uga soo tagtay banaanka guriga gaar ahaan qoroxda, waxa ayna taasi keentay in qoyska Sacuudiyaanka ah aad uga caroodaan arintaas.

Qoyska ayaa gabadhan shaqaalaha u aheyd si qaladkeeda u dareensiiyaan ku xir xiray banaanka guriga gaar ahaan meel qorax ah si ay ugu ciqaabaan alaabtii ay uga tagtay qoraxda.

Gabadhan oo qoraxda ku xir xiran xaaladana ku xun tahay waxaa sawir qarsoodi ah ka qaaday gabar kale oo shaqaale ah taas oo baraha bulshada ku baahisay sawirkaasi iyada oo dalbanesay in gabadhaasi la caawio.

Haweenedan la ciqaabayay ayaa durba heshay gurmad uga yimid dowladeeda iyo dhinacyo kale, waxaana ugu damben laga waday dalka Sacuudiga ee dhibaatada loogu geestay iyadoona dib ugu laabatay dalkeeda.

Sacuudiga ayaa dhibaato xoogan waxaa kala kulma haweenka shaqaalaha ah ay ku jiraan kuwa Soomaaliyeed, qoysaska Sacuudiyaanka ah ee loo shaqeeyo ayaana la sheegaa in ay yihiin kuwa naxariista ku yar tahay sida adoona ula dhaqma dadka u shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -