Xukun adag oo lagu riday Madaxweyne dilay Madaxweynihii talada uga horeeyey

Maxkamad militari oo ku taalla dalka Burkina Faso ayaa maanta xabsi daa’in ugu xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore dilkii 1987-kii ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Thomas Sankara.

Sacab xooggan ayaa is-qabsaday gudaha maxkamadda kadib markii la aqriyey xukunka muddada la sugayey, taasi oo soo geba-gebeysay kiis soo jiitamayey 34 sano.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’in ku xukuntay Hyacinthe Kafando, oo ah sarkaal la tuhunsan yahay inuu hogaamiyey kooxdii dilka fulisay, iyo Jeneraal Gilbert Diendere oo ahaa taliye ciidan xilligii khaarijinta, oo la kowsaday afgambi uu xukunka ku qabsaday Compaore.

Compaore, oo dibad-joog ku ah dalka Ivory Coast kadib markii kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray 2014, iyo Kafando oo baxsad ahaa tan iyo 2016, ayaa la maxkamadeeyey ayaga oo maqaneyaal ah.

Maxkamadda oo socotay lix bilood ayaa waxaa si aad ah isha ugu hayey dad badan oo ku nool dalka aan badda laheyn ee ku yaalla gobolka Sahel, halkaasi oo dilkii Sankara ay ka tahay dhibic madow oo ku taalla taariikhda dalka.

Sankara oo aad u aaminsana falsafadda Marxist-Leninist, islamarkaana aad ugu dhaleeceyn jiray Reer Galbeed gumeysi cusub iyo laba wajiilenimo, ayaa toogasho lagu dilay 15-kii October 1987-kii, wax yar un ka badan afar sano markii uu xukunka yimid isagoo ah kabtan ciidan oo 33 jir ah.

Geerida Sankara oo aaminsanaa siyaasadda bidixda ayaa dhaawac ku aheyd xukunkii Compaore ee 27-ka sano.

- Advertisement -