(Akhriso) Deni & Xaaf oo soo saaray War-Murtiyeed ka dhan ah dowlada Somalia

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo ku qaabilay wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug.

Labada hogaamiye ayaa Warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegay in aysan qayb ka ahayn sharciyada Patroolka, Doorashooyinka iyo Canshuuraha ee uu ansixiyey baarlamanka Somalia isla markaana aysan khuseyn go’aanada Masiiriga ah ee aan wada ogolka lagu gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -