Dalka Yemen waxaa dil dad badan ka argagaxeen loogu geestay Muwaadin asal ahaan i kasoo jeeda dalkaasi balsa heesta Dhalashada Dalka Mareykanka, kaa oo la dilay xili uu 8-sano kadib Yemen dib ugu soo laabtay.
C/Maalik Al-Sanabani ayaa ciidamo hubeesan oo ku sugnaa bar koontarool si arxan daro ah u dileen xili uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen, waxaana marxuumka laga qaatay lacago iyo boorso uu watay.
Warbaahinta dalka Yemen ayaa ku warantay in ninkan la dilay mudo 8 sano ah kunoolaa dalka Maraykanka , waxa uuna dalkiisa Yemen ugu soo laabtay hilow uu u qabay aragtida Walaashiisa oo deggan Caasimada Yemen ee Sanca.
Wasaarada arimaha Dibadda dowlada Yemen ayaa si kulul u cambaareesay dilkan loo geestay muwaadinkan heesta dhalashada dalka Mareykanka, waxa ayna Wasaarada dilkan ku eedeesay Maleeshiyo ka tirsan Golaha KMG ee Koonfurta Yemen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com