Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax goordhaw ka dhacay barkoontarool oo kuyaala agagaarka Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadkii  iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka  Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Bahalnimo ee ay Argagixisadu shacabka u soo maleegayaan bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba  ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta  ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira cadowga Argagixisada ah ee Al-shabaab,  waxa uu  rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan nabad-diidka Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -