Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta ka bad baaday isku day lagu doonayay in lagu dilo

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah uu la socday Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute lagu weeraray duleedka magaalada Muqdisho.

Qarax miino oo hareeraha laamiga la dhigay ayaa lala eegtay kolonyada uu la socday gudoomiyaha Maxkamada ciidamada xili ay ka yimaadeen dhinaca Shabeelaha Hoose kuna soo jeedeen Muqdisho.

Mid kamid ah kolonyadii gaadiid ee la socday Gudoomiye Xasan Cali Shuute ayaa la sheegay in uu qaraxu haleelay, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu khasaaro kasoo gaaray ciidankii iyo dadkii kale ee la socday.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha darajada koobaad ee Maxkamada ciidamada iyo saraakiil kale oo la socotay ay ka bad baadeen qaraxaasi la doonayay in lagu dilo .

Gudoomiyaha Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada iyo saraakiisha la socotay ayaa ka yimid xerada ciidanka Milatariga ee Ceel Saliini oo maalmo kahor Al Shabaab weerareen kuna dileen askar badan sidoo kale ku furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -