Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad Xukun ku riday Sargaal sare oo katirsanaa Milatarigii hore ee Soomaaliya

Maxkamad kutaala Gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa lasoo taagay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya xiligii dowlada Maxamed Siyaad Barre, waxaana sargaalkan lagu eedeeyay in uu 30-sano kahor geestay jir dil iyo dilal .

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo heystay.

Sargaalkan ayaa lagu helay eed aheyd inuu masuul ka ahaa jir dil 31 sanadood ka hor loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, waxeyna maxkamaddu ku xukuntay inuu bixiyo lacag gaareysa 500,000 kun oo dollar oo magdhawo ah.

Ninka Dacwada kusoo oogay Sargaalkan oo lagu magacaabo Farxaan Maxamuud Taani ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aankan kasoo baxay Maxkamada qaadeysay dacwada uu kusoo oogay Korneel Tuke.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Dufle: Cagaarshowgu waa cudur dillaa ah, haddii aan laga digtoonaan”

Caydiid Ali

Dhalinyaro kasoo baxsatay Askartii loo qaaday Eritrea oo gaaray Garowe, kana hadlay..

Caydiid Ali

Masaajidada waaweyn ee caalamka qaarkood oo aan laga tukan salaada Jimcaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---