Agaasime Koofi oo ka hadlay isbedelka socdaalka ee ay ku dhaqaaqday Kenya

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha ee dowlada Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex socota dowladdaha Kenya iyo Somalia.

Xiisadan ayaa timid markii dowlada Kenya ay ka soo celisay dalkeeda masuuliyiin Soomaali ah oo ay u diiday fiisaha dalkeeda lagu siin jiray kaasoo qeyb ka ahaa heshiis ay horey u wada gaareen labada dowladood.

Koofi sheegay ineysan jirin wax xiriir ah oo ay xafiiskiisa la soo sameeyeen waaxda Socdaalka Kenya kaasoo la xiriira go’aankan ay qaadatay, mana jiro ayuu yiri wax ogeysiis ah oo la soo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya oo muujinaya Isbedel dhinaca Socdaalka ah inuu dhacay.

“Waa keligood go’aankan, wax nala soo xiriiray ma jiro” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Muqdisho qaarkood.

Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ayaa sheegay in xubnaha dowladda Soomaaliya ay aheyd iney Viisaha dal ku galka kaga soo dhufsadaan Safaarada Kenya ku leedahay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

“Dowladda Soomaaliya waan ku wargalinay inuu dhacay is bedel cusub oo dhinaca socdaalka ah, taasoo keentay in xubnaha dowladda Soomaaliya la faro inay dib ugu laabtaan Muqdisho, ayna tagaan Safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa qariyey lana hadlay wargeyska Daily Naiton.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -