Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo xulka Galmudug gudoonsiiyey koobka dowlad goboleedyada (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa caawa munaasabadd kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa uu xulka Gamudug ku guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey tartankii xiisaha lahaa dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ciyaarahu soo bandhiggeen nabada iyo xasiloonida ka jira caasimada, iyada oo bulshadduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, iyada oo laga dheehan karay sida ay u soo buux dhaafiyeen garoonka tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu.

Madaxweynaha ayaa waxaana uu sheegay inay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun horumarka Soomaaliya ay samaysay.

Xulka Mudug ayaa dhowaan ku guuleystay koobka dowlad goboleedyada ka dib markii ay 4-1 rigoorayaal ah kaga adkaadeen xullka Hirshabelle.

Hoos ka daawo sawirada

Related posts

Dayax Madoobaad 48 saac ka dib laga arki doono qeybo ka mid ah dunida iyo Somalia oo..

Caydiid Ali

Wasiiro iyo Xildhibaano Baaq kasoo saaray xaalad adag oo ka jirta Gobolka Gedo

Cabdi Cade

Midowga Musharixiinta oo eedeymo culus u jeediyey AMISOM & dowlada Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---