Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Soomaali Miino aaseysay oo lagu qabtay Magaalo ku taalla dalka Yemen

Milateriga dowladda Yemen ayaa magaaladda Tacis ku qabtay  labo nin oo Soomaali ah kuwaasoo ay sheegeen iney u shaqeynayeen Kooxda Xuutiyiinta ee taageeradda ka hela Dowladda Iiraan.

Warbaahinta dalkaasi oo ilo milateri soo xiganaya ayaa sheegtay  in ciiddanka dowlada ee ku sugan degaanka Al-Zanuuj ee duleedka magaalladda Tacis ay qabteen raggan Soomaalida ah xilli ay doonayeen inay waxyaabaha qarxa ku aasaan dhismo ku yaalla deegaanka.

Mid ka mid ah raggan Soomaalida ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Yemen.

Sawiradda labada nin ee Soomaalida ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa waxaa soo bandhigay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Raisul Wasaare khayre oo ka qeyb galay kulan muhiim ah oo ka dhacay Xerada Afisiyooni

Caydiid Ali

Madaxweyne Alan García oo gacantiisa isku toogtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliyed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---