Madaxweyne Alan García oo gacantiisa isku toogtay (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta qaarada Amerika ku yaalla ee Peru Alan García ayaa geeriyooday ka dib markii uu gacantiisa isku istoogtay xilli ay booliska tageen gurigiisa, si ay u soo xiraan

Mr. García ayaa markii hore loola cararay isbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima, waxaana Dhimashadiisa xaqiijiyay madaxweynaha xilka haya ee Peru Martín Vizcarra.

Alan García ayaa horay labo jeer madaxweyne uga soo noqday dalka Peru, markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii.

Mr García ayaa la doonayey in la soo xiro ka dib markii lagu eedeeyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leyahay dalka Brazil, inkastoo uu horay u beeniyay sheegashadaas.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa loogu diray inay soo xiraan, si loogu sameeyo baaritaanno la xiriira eedeymahaas, balse inta aysan qabanin ka hor ayuu isdilay.

Markii ay booliska tageen gurigiisa ayuu Mr. García codsaday inuu telefoon dirsado, ka dibna waxaa uu galay qol albaabka ayuu soo xirtay, waxaana ka dib la maqlay rasaas sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Peru Carlos Morán.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -