Boqor Salman oo ku baaqay labo shir oo deg deg ah & Sababta ka dambeysa

Boqorka Sacuudiga Salman bin C/casiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saameyntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishan May.

Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.

Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay khatar uga imaanaysa Iran.

Baaqan ayaa imaanayo iyadoo labo markab oo ganacsi lagu weeraray meel u dhow biyaha dawladda Imaaraadka Carabta, iyo weerar ay kooxaha Xuutiyiintu ku qaadeen xarumo kuwa shidaalka ah oo ku yaalla  Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -