Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ka hadlay xiisadaha ka taagan Laascaadood iyo Gedo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay munaasabadda 63 guurada kasoo wareegtay marki ay xornimada ka qaateen Gobollada Koonfureed gumeystihii Talyaaniga Iyo israacii Labada Gobol ee Wagooyi yo Koonfur.

Munaasabadan ayaa Waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada, saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay u leeyahiin bulshada Soomaaliyeey maalmahan xoriyada oo ay tahay in la xusuusto dadaalkii iyo naf huridii ay aabayaasheen usoo mareen xornimada dalkeena, Madaxweynaha ayaa xusay in iyadoo ay taasi jirto hadana wali baadigoobkii Midnimada dalkeenna ay wali taagan tahay maadama ay maqan yihiin gobolada waqooyi si taas loo gaarana ay ku xiran tahay is qancin iyo wada hadal.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalada gobolka Sool ayaa sheegay in laga baaqsan karay wada hadal wax lagu wayayna aan xabad iyo xoog lagu heli Karin isagoo sheegay in loo baahan yahay in dagaalka si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dadka deegaanadaas ku noola ay xaq u leeyahiin in aayahooda ay ka tashadaan.

Dhinaca kale Waxaa Madaxweynahu uu bogaadiyay howlgalada Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ay ka wadaan qeybo badan oo kamid ah Jubaland iyagoo isku furay wadooyinka degmooyinka gobolka Jubada hoose ee xorta ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin wajiga labaad ee dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah loona baahan yahay in la joogteeyo si ayna awood ugu yeelan inay dib ugu soo noqdaan goobaha la xoreeyay taas oo dhibaato ay kasoo gaari karto dadka shacabka ah hadii fursad loo siiyo inay dib isku soo abaabulaan.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in kala aragti duwanaansha iyo tabashooyinka jira mar walba ay tahay in lagu xaliyo wada hadal iyo is qancin Dowlada Jubalandna ay diyaar u tahay cid walba oo ka fikir duwan inay geedaha hoostooda iyo miiska wada hadalka la fariisato.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ree Gedo iyo guud ahaan ree Jubaland ay tahay wixii kala fikir duwanaan ah in wada hadal lagu dhameeyo midaasna hada laga shaqaynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray go’aankii lagu fasaxay Xildhibaanada Ceelwaaq

Caydiid Ali

Madaxweyne Uhurru oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Duqii hore ee Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne horey loogu xukumay xabsi 24 sano ah oo 8 kale loogu daray

Caydiid Ali