Saldhigyo ciidamada dowlada & AMISOM ku leeyihiin Sh/hoose oo la Weeraray

Dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.

Dagaalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Qoryooleey, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerareen Saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal fool ka fool ah.

Waxaa la sheegay in dagaalka labada dhinac oo la isku adeegsaday hub kala nooc ah khasaare kala duwana uu kasoo gaaray, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sidoo kale weeraray saldhiga ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Sabiid ee gobolka Sh/hoose, iyadoo Al-Shabaab warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ay ku sheegeen inay muddo kooban la wareegeen saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiid, balse lama hayo warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay iska difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya sida dagaaladan ay u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -