Al-Shabaab oo sheegtay tirada ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Weerarkii Lamu

Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarkii ay saaka aroortii dagaalyahano ka tirsan kooxdaas ku qaadeen saldhigga Milateri ee Camp Simba oo ku yaalla gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay ka howlgalaan ciidamo Maraykan iyo Kenyan iskugu jira.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka uu qaatay wax ka badan 10 saacadood xiriir ah, ayna fuliyeen dagaalyahano gudaha u galay xerada.

AlShabaab waxay sheegtay in weerarka ay ku dileen 17 askari oo Maraykan ah iyo 9 ka tirsan mileteriga Kenya, ayna ku burburiyeen 7 dayuuradood iyo in kabadan 5 gaari oo kuwa milleteriga ah.

Bayaanka kasoo baxay Al Shabaab waxaa lagu xaqiijiyay in qeyb weyn oo kamid ah saldhigga Simba ee gobolka Lamu uu ku gubtay weerarkii maanta dhacay

Maraykanka ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin weerarkan, iyadoo War uu maanta soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika lagu sheegay in qiimeynayaan khasaaraha weerarkan ayna dib ka soo sheegi doonaan faahfaahinta sida ay wax u dhaceen.

Balse Afhayeenka Ciidamada Kenya Colonel Paul Njuguna ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay carqaladeyso amniga saldhigga Mandi balse ay ka hortageen.

“Isku daygaasi waxaa looga hortagay si guul ah. 4 nin oo argagixiso ah ayaa ilaa iyo hadda aan meydkooda helnay. Xaruntan iminka waa goob nabad ah,” ayuu yiri Njuguna.

Sarkaalkan ayaa sheegay in uu weerarkani sababay dab ka kacay xaruntan ciidan kaasoo saameeyey haamaha shidaalka ee halkaasi Yaalay. Haatan ayuu sheegay in dabkii la xakameeyey.

Warbixin ay soo saareen ciidamada booliiska Kenya oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegeysa in weerarkan ay ku burbureen laba dayuuradood oo nuuca yaryar ah oo mid ay leedahay Kenya tan kalana ay Mareykanku lahaayeen.

Waxaa kale oo warbixintu sheegeysaa in laba diyaaradaha helikobtorrada ah iyo dhowr gaari oo ay Mareykanku lahaayeen ay ku burbureen weerarkaasi ka dhacay xerada militeri ee Manda Bay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -