Gaari ay la socdeen koox arday ah oo goor dhow lagu rasaaseeyey Muqdisho

Gaari ay la socdeen koox arday ah ayaa rasaas lagu furay magaalada Muqdisho, iyadoo uu dhaawac ka soo gaaray dhowr ka mid ah ardayda.

Falkan ayaa ka dhacday bar koontarool ay leeyihiin ciidamada dolwadda ee ku sugan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana rasaasta ku dhaawcmay saddex arday oo wada dashay, kuwaasoo dhiganayey dugsi sare.

Ardayda walaalaha ah ee dhaawacmay oo lagu kala magaaabo Hodan Daahir, Safiyo Daahir iyo Sakariye Daahir ayaa dhaawacyadooda loola cararray goobaha caafimaadka.

Ehelada ardaydan ayaa sheegay in Hodan Daahir ay xabad ku dhacday, laakin Safiyo Daahir ay gaariga ayey iska tuurtay, halka Zakariye Daahir taayarka baabuurka uu Dul maray.

Ardaydan oo da’ ahaan isku xiga ayaa wax ka baranayey iskuulka Al-anwaar ee degmada Wadajir, iyagoo dhiganayey Fasalka 3aad ee dugsiga sare.

Lama oga sababta askariga uu rasaasta ugu furay gaarigan ay la socdeen ardayda balse ciidamada dowladda ee ku sugan Wadooyinka oo u badan kuwo dhowaan loo qoray ciidamada Booliska ayaa si joogto ah u rasaaseeya dadweynaha iyo gaadiidka ay wataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -