Ing. Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay sababta loo aqoonsan waayey Somaliland

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Ing. Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Siyaasadda iyo mustaqbalka Somaliland xili shalay loo dabaaldegay Munaasabada 18ka May oo ku beegan 28 guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday iney tahay dal madax banaan oo ka go’ay Somalia.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey xuska 18-ka May ayaa sheegay in ay tahay maalin qiimo wayn u leh Somaliland marka la eego marxaladihii uu dalku soo maray.

Injineer Faysal oo ka hadlay marxaladii ay soo martay Somaliland ayaa sheegay in aanu filayn in arrinta aqoonsigu ay muddo intaas le’eg qaadanayso.

Faysal Cali Waraabe ayaa ka warramay halka uu u tirinayo in dhaliishu ay ka jirto iyo waxa loo baahan yahay in la sameeyo si riyada aqoonsiga looga guul gaaro, waxaana uu eedda dusha uga tuuray siyaasiyiinta oo uu sheegay in aanay lahayn himilo dheer oo waqtigii ay ku lumiyeen khilaaf iyo isqabqabsi.

“Waxa la inoo ictiraafi waayey maahan wax dibadda inooga yimid waa wax gudaheenna ah” ayuu intaas ku daray Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -