Wiil 10 sano jir keligiis ku nool gurigii ay kaga dhinteen Waalidkiisa! (Daawo Sawirro)

Sheekada xanuunka leh oo qabsatay wiil 10-sano jir ah oo u dhashay dalka Fiidnam ay ehelkiisa oo dhammi geeiyoodeen kaas oo diiday in la korsado  ayaa ku baahday baraha bulshada.

Waxaa caadi iska ah in da’diisa aysan in badan ka welwelin wax aan ka aheyn wax-barashada, Dang Van Khuyen wuxuu ku jiraa halgan maalinle ah oo uu naftiisa kaga xoreynayo gaajada iyo ku tiirsanaanta gacan aan tiisa aheyn.

Noloshiisu marnaba ma sahlaneyn. Hooyadiis waxay dhimatay isaga oo yar. Aabihiis oo ku maqan shaqo uu ka hayay meel ka fog reerkooda, waxaa la sheegay inuu geeriyooday. Halka ayeyadiis oo markii uu aabihiis baxayay iyada kaga tagayna, waxay – inta guursatay – u guurtay degmo kale.

Noloshuna intaas kaddib way ku adkaatay.

Maadaama aabihii usoo diri jiray biilka iyo ayeeyadii siin jirtay nafaqada guriga aysan in badan hadda la joogin, waa isaga iyo inta karaankiisa ah inuu noloshiisa ku filnaado.

Muuqaal laga soo qaaday ayaa muujinaya inankan yar oo howlaha horyaalla ee gurigiisa qabsanaya. Waxaa intaas u dheer inuu fasho beer yar oo ardaaga guriga uga taal.

Wuxuu isku dayaa inuu noloshiisa maareeyo si aan loogu qiil dayin in la kafaalo qaado.

Maamulka iskuulkiisa oo ka war helay xaalkiisa ayaa dadaal ku dhammaaday fashil ku bixiyay sidii wiilkan loogu heli lahaa garab iyo guri kale oo uu ku noolaado.

Waxaase jirta inuu aqbalay kaalmada lacageed iyo midda maadiga ah ee kaga imaanaysa jaarkiisa, wuxuu ku kalsoon yahay qof ahaan inuu isku filnaan karo. Balse, wuxuu qiray in marka gabbalku uu dumo uu dareemo cabsi kaga imaaneysa kelinimada uu ku sugan yahay.

Taniyo markii muuqaal laga qaaday uu ku baahay baraha bulshada, inankani wuxuu helay kaalmooyin iyo dareen naxariis oo ay u qaadeen dadkii ay farriintiisu gaartay.

Balse ilaa iyo hadda macadda haddii uu go’aankiisa beddeli doono iyo in kale.

Waxa cajiibka leh ayaa ah in wiilkani uusan maalinle ka habsaamin wax-barashada. Waxaana uu aroor walba baaskiilkiisa ku aadaa iskuulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -