Ilhan Cumar oo ka baxday Heshiis ay kula jirtay Shirkad uu Ninkeeda leeyahay !!

Wakaalada Wararka ee AP ayaa ku warantay in Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ka baxday heshiis ay kula jirtay shirkadda E Street Group, oo uu leeyahay ninkeeda Tim Mynett.

Ilhan Cumar ayaana gaartay go’aankan ay heshiiska uga baxday shirkada Ninkeeda kadib markii ay ku guuleesatay doorashadii dhawaan dhacday, waxa ayna Ilhan sheegtay in ay rabto in ay u cadeeyso taageeerayaasheeda in arin kale uusan kala dhaxeyn shirkadda.

“Waxaan go’aansannay inaan baabi’inno qandaraaskii aan kula jirtay shirkadda Tim iyo Will. Halka taageerayaal badan oo aan isu dhownahay, si fiicanna u yaqaanna labadaas ay soo jeedinayaan inaan la sii wadno wada shaqeynta – Anigu waxaan doonayaa inaan qof walba oo taageersan ololaheenna, waqti iyo dhaqaalena ku bixiya u xaqiijiyo inaysan jirin cillad ku jirta taageeradaas.” ayey tiri Ilhan Cumar.

Ilhan Cumar ayaana macmiilka ugu weyn u aheyd shirkadda uu ninkeeda lahaa, waxa ayna Ilhan shiirkadan siisay lacag ka badan Milyan Dollar oo loogu sameeyay la talin iyo sidoo kale xayeesiimo dhinaca ololaheeda doorashada.

Warkan ku aadan in Ilhan Cumar heshiiska uga baxday shirkadda uu ninkeeda leeyahay ayaana hadal heyn badan abuuray, waxa uuna warkan imaanayaa xili Ilhan Cumar mar kale ku guuleesatay in ay kamid noqoto aqalka Koongareeska dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -