Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dilal kala duwan ayaa xalay iyo saakay aroor hore siyaabo kala duwan waxa ay uga dhaceen xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxa ayna dilalkan dhaceen xili ciidamo badan lasoo dhoobay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho.

Kooxo hubeesan ayaa xalay degmada Kaaraan gaar ahaan agagaarka Boosteejada Kaaraan waxa ay ku dileen Wiil dhalinyaro oo caan ka ahaa degmadaasi, waxaana dilkaasi aad uga argagaxay dadka deegaanka.

Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed, waxaana goobta dilku ka dhacay ka baxsaday kooxihii hubeesnaa ee dilkaasi ka dambeeyay.

Dhinaca kale askari la sheegay in uu katirsan yahay ciidanka dowlada ayaa saakay aroor hore gaar ahaan xiliga suxuurta waxa uu nin dhalinyaro oo mooto bajaaj kaxeenayay ku dilay agagaarka daarta Saybiyaano ee degmada Hodan.

Wiilka Bajaajlaha la dilay ayaa la sheegay in uu waday in uu waday haweeney fool aheyd uu u kaxeeyay isbitaal, waxaana meydka wiilka la dilay la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin dilalkan saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday ragii ka dambeeyay dilalkan ka dhacay magaalada Muqdisho.

- Advertisement -