Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Wararkii ugu dambeeyey

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo jugtiisa laga maqlay magaalada oo dhan uu ka dhacay xaafada Al-Raxma ee magaalada Boosaaso.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray gaari ay leeyihiin ciidamada amaanka oo marayey xaafadaas.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, hase ahaatee ciidamada amaanka ayaa xiray goobta uu ka dhacay, waxaana socday baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay ….

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh iyo dhigiisa Erdogan?

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jabuuti oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---