Danjire James Swan & Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah ku leh Kismaayo

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe, khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo sidii laga yeeli lahaa doorashadii uu dib ugu soo laabtay Axmed Madoobe ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Sidoo kale James Swan ayaa lagu wadaa in isla maanta uu garoonka magaalada Kismaayo kula kulmo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo iyagu mid walba uu sheeganayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Xidig iyo Seeraar ayaa James Swan kala hadli doona xaaladda maamulka Jubbaland iyo khilaafka wajiyada badan ee hareeyey dhinacyada maamulkaas isku haya iyo dowladda federaalka sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow xubnahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

 

- Advertisement -