Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Sh/hoose

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo galabta ka dhacay degaanka Buula-mareer oo ka tirsan gobolka Sh/hoose kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo noociisu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla degaanka Buula-mareer.

Ugu yaraan afar ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab, mana cadda cid qaraxan lala beegsanayey.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Kunturwaarey ee gobolka Sh/hoose oo ka mid ahaa dadka gurmadka sameynayay ayaa sheegay iney socdaan baaritaano ku aadan qaraxan.

“Qarax Miino oo ahaa nooca remote ayaa lala eegtay Suuq xoolaha, shacab ayaa khasaare lagu gaarsiiyay, sidoo kale 5 neef oo xoolo ah ayaa qaraxan uu dilay, waxaan wadnaa baaritaano aan ku soo qabaneyno nimanka falkan geystay.” ayuu yiri masuulkan.

Waxaa sii kordhaya maalmahan Qaraxyada iyo weerarada ka dhacaya degaano ka tirsan Sh/hoose, maalmo ka horna ayey ahayd qaraxyo ka dhacay gobolkan oo lagu dilay in ka badan 20 qof, qaar kale oo badana lagu dhaawacay, waxaana mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -