Waxaa Dhab ah in deegaanada maamulka Puntland uu jiro Nidaamka 3.5

Markaan Dhageystey Hadaladii odoyaasha Burtinle ku shirey ee Sheegey in si Cadaaladaro ah loo xukumey Ragii ka Dambeyey Dilkii Caaisha Ilyaas

Waxaa soo Xasuustey nin odey ah oo ii sheegey in Deegaanada Puntland looga Dhaqmo Nidaamka 3.5 Isagoo Tusaale u soo qaatey Dib u fiiri Madaxadii soo martey Puntland waa Saddex Beelood keliya marka sow halkaa kaama muuqata in uu jiro dhaqanka 3.5

Sidoo kale Waxaa kuu sii Cadeynaya in Habka 3.5 uu ka jiro Puntland in Qoyskii Caaisha ay ka Hijriyoodeen Magaalada Gaalkacyo ka dib markii Hanjabaadyo la kulmeen, Sidaa Darteed Qoyskaas Haddii uu ka soo jeedi lahaa Beelaha Ugu Tunka weyn Puntland maanta kama Guureen Gaalkacayo

Sidaa Darteed Ha la yaabin in ay Cadaalodaro ku tilmaamaan odoyaasha Ragii Xukunkii lagu ridey ee Dilka iyo Kufsiga isugu darey Caaisha Ilyaas waayo Odoyaasha waxay u Muuqdeen Kuwo meel wax ku og, marnaba Qalbiga ma gashan Odoyaal baa Garab sii doona ragii Xukunka ku Dhacay ee Dilka Geystey

Ugu Dambeyn Madaxweyne Dani waxaa Horyaal in Kiiskaas sida Maxkamada Xukuntey u Fuliyo haddii taas yeeli waayo waxaa Hubanti ah in uu la kulmi doonaa Sumcadaro weyn oo Nidaamkiisa soo wajaha

Nidaamka 3.5 wuxuu ka Dhamaan karaa Puntland marka Xukunka la Baahiyo ayna qabtaan Beelaha yar yar ee Dega Puntland

W/Q Amiin Yuusuf Khasaaro

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -