Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Roob 5-qof dilay oo ka da’ay Hargeysa iyo Biixi oo kormeer sameeyay (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ka da’ay roob mahiigan ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad danyar ah.

Roobka xalay ka da’ay magaalada Hargeysa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo saameyn badan ku yeeshay qeybo kamid ah magaalada , waxa ayna biyaha roobka galeen guryo badan oo magaalada kuyaala.

Inta ay xaqiijisay Madaxtooyada Somaliland shan qof ayaa ku dhintay roobka halka 9-qof oo kale ku dhaawacmeen, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay ay kasii bataan.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa isla xalay kormeer ku sameeyay goobaha uu roobku khasaaraha ka geestay, waxa uuna Madaxweynaha tacsi u diray dadkii ku dhintay roobka halka caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Related posts

Talyaaniga oo Mashruuc ay ku baxeyso 6-milyan Dollar ka fulinaya Baladweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Gadoodka Saraakiisha Ahlu-Suna iyo Gorgortan La’aanta Dowlada Federaalka

Cabdi Cade

Taliye Indhaqarshe oo ka hadlay ujeedada laga leeyahay tirakoobka Ciidamada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---