Banaan bax saakay ka socda Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo baaq loo diray

Waxaa saakay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka socda banaan bax balaaran ay dhigayaan qaar kamid ah ardaydii maalmahan u fadhisay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga ee xalay dowladu joojisay.

Ardaydan oo qaarkood wataan dareeska iskoolka ayaa qeybo badan oo kamid ah magaalada ka dhigaya banaan bax ay uga soo horjeedaan go’aankii imtixaankii lasoo galay uu ku baabi’iyya Wasiirka Waxbarashada.

Waxa ay ku dhawaaqayaan ardayda banaan baxa dhigaya ereyo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada ay kamid ahaayeen ha is casilo Wasiir Goodax iyo Ereyo kale oo Wasiirka lidi ku ah.

Ardayda banaan baxa dhigaya ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in xilka ka qaado Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax ay sheegeen in uu fashilmay.

Banaan baxa ayaa laga cabsi qabaa in uu sii xoogeesto, waxaana banaan baxa uu ka dhashay go’aankii Wasaarada Waxbarashada ku baabi’isay imtixaankii la galay kadib markii qashka Imtixaanka ay ardayda badankood heleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -