Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Baaq u diray Beesha Caalamka 

Qaar kamid ah Xildhibaanada mooshinka ka wada Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Wakiilada beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya in ay faraha kala baxaan arimaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Saxiixay mooshinka kalsooni kala noqoshada Jawaari ayaa ugu baaqay Wakiilada Beesha Caalamka in ay faraha kala baxaan arimaha baarlamanaka dhaxdooda ka jira.

Waxa uu sheegay in xubno katirsan Beesha Caalamka uu ku jiro Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya fara galin ku hayaan mooshinka Jawaari laga gudbiyay, waxa uuna ugu baaqay in shaqadooda qabsadaan farahana kala baxana arimaha taagan.

”Keating wuxuu u dhashay Ingiriiska kala bar Xildhibaanada UK ayeey degan yihiin , meeqa mooshin ayaa yaala Baarlamaanka dalkiisa, anaga kama hadalno ma oga miyaa in Baarlamaanada caalamka ay yihiin kuwa isku nidaam ah oo System ku shaqeeya.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Qoraal dhawaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga digay Khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ayna beesha Caalamka ugu baaqday Baarlamaanka in xal laga gaaro khilaafka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil lagu dilay dagaalka Dhuusaareeb iyo Maxaabiis dhaawacyo qaba oo..

Caydiid Ali

Ololaha Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka duwan kuwii hore iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Faa’iidada iyo Khasaaraha uu leeyahay Internetka Xiligan (Warbixin Xiiso Badan )

Cabdi Cade
Taboola Ads ---