Dowladda Somalia oo baabi’isay Imtixaankii dugsiyada Sare ee ka socday dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday iney joojisay imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2018-2019-ka

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo muddo saddex maalmood ah uu socday imtixaanka, ayna arday ka badan 30-kun oo qof galeen maadooyin fara badan, waxaana dhacday in imtixaanka suuqa laga helay, laguna faafiyey baraha bulshada, taasoo fadeexad iyo weji gabax ku abuurtay Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka cusub ee shahaadiga Dugsiyada Sare ee dalka la qaadi doono laba bilaabo 27-31 Bisha May 2019.

Wasiirka ayaa sheegay in goob ka mida meelihii imtixaanka lagu qaadayey ay go’aansatay inay fashiliso, wuxuu ku eedeeyay waalidiin iibsaday imtixaanka iyo dad kale oo ka qeyb qaatay faashilinta imtixaankan.

“Suuragal Maahan in arday dedaalay oo wax bartay iyo mid isku halaynaayo qish ay meel wada fadhiistaan, isku buundana keenaan” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in la baraha bulshada la xiri doono marka la qaadayo imtixaanka cusub dabayaaqada bishan.

Inkastoo Imtixaanadii hore qishkooda ay heli jireen ardayda qaar haddana imtixaankan ayaa uga duwanaa inay si weyn u faafiyeen kooxo siyaasad ahaan ka horjeeda wasiirka Waxbarashada iyo Xukuumadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -