Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dacwad lagu soo oogay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Sudan

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad, iyadoo lagu eedeynayo  inuu geystay kicin dadweyne iyo inuu ku lug lahaa dil loo geystay dibadbaxyaal.

Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee waddankaas ayaa sheegay in dhamaan dacwadaha lagu soo ooday Al-bashiir loo hayo cadeymo buuxa.

Ilaa hadda lama hayo wax war ah oo ku saabsan xaaladda Al Bashiir tan iyo markii xukunka laga qaaday 11-kii bishii April ee sanadkan.

Horraantii bishan, waxaa Al Bashiir lagu amray inuu kasoo hor muuqdo xafiiska dacwad oogaha dalkaas si wax looga weyddiyo eedeymo musuq maasuq iyo maalgelinta ururo argagixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Mursal & labadiisa ku-xigeen oo Shir deg deg ah ku leh Muqdisho

Caydiid Ali

Shil foolxun oo ka dhacay Muqdisho & dhimasho iyo dhaawac ka dhashay

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo dalka ka dhoofay, balan-qaad muhiim ahna sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---