(Daawo Sawirro) Muuse Biixi oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Laascaanood

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku joogay gobolka Sool ayaa maanta xariga ka jaray  mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Laascaanood, isagoo kuwo kalena kormeeray.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu xarigga ka jaray xarunta cusub ee ciidanka Dab-demiska looga sameeyey gudaha magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa xariga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyey xarunta gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale kormeeray xarunta cusub ee Madaxtooyada Laascaanood oo dhismaheedu weli socdo.

Dhinaca kale, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta la kulmay waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Togdheer iyo Sool, ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Sheekh, waxaana ay iska xogwarysteen xaaladda degmada, mashaariicda xukuumaddu ka hirgelisay degmada iyo baahiyaha jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -