Madaxweyne geesi ah oo soo bad baadiyay labo Haween oo doon la qalibmatay !! (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Portugal, Marcelo Rebelo de Sousa, ayaa qabsaday baraha bulshada iyo Warbaahinta caalamka kadib markii si lama filaan ah ugu gurmaday una soo bad baadiyay labo haween ah badda  kula qalibmatay doon yar ay wateen.

Madaxweynaha ayaa xili uu ku sugnaa xeebta Praia do Alvor arkay labo gabdhood oo doontii ay saarnaayeen la qalibmatay kuna dhibaateesan biyaha, Madaxweynaha ayaana si deg deg ah ugu dabaashay halkii ay joogeen haweenkaasi si uu usoo bad baadiyo.

Sawirro iyo muuqaal laga soo qaaday dhacdadan ayaa muujinaya Madaxweynaha oo  u dabaashay dhanka haweenkan ku dhibaateesnaayeen, waxaana gacan siiyay oo haweenkaasi lasoo bad baadiyay labo nin oo kale.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay xeebta Praia do Alfor ayaa sheegay in labadan haween xeeb kale ka yimaadeen balse dabeyl jirtay jihada ka qaladay ayna doonta markii dambe la dhacday.

“Maadaama ay jiraan dabeylo aad u xooggan, waxaa laga soo leexiyay jihadii ay u socdeen, kaddib way la rogmatay doontii, biyihii ayaa durba laqay, awoodna uma aysan lahayn inay doontooda toosiyaan, ama dabaashaan,” ayuu ku yiri Madaxweynaha.

Baraha bulshada ayaana aad looga hadal hayaa bad baadinta uu sameeyay Madaxweynaha dalka Purugal oo 71-sano jir ah, waxa ayna dad badan ku tilmaameen alyey geesi ah oo naftiisa u huraya bad baadinta dadka kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -