Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Col. Khaliif Nuur Shiil oo u geeriyooday dhaawacii xalay loogu geystay Gaalkacyo

Taliyihii Ciidanka isku dhafka ah ee Gaalkacyo Col. Khaliif Nuur Shiil oo xalay kooxo hubeysan ku dhaawaceen Koonfurta Magaaladaas ayaa saaka u geeriyooday dhaawacii soo gaaray sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Col. Khaliif Nuur Shiil ayaa waxaa rasaas ku furay kooxo hubeysan wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaada Taraawiixda oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka uu Taliyaha ka ahaa ee Xasilinta Gaalkacyo ayaa ah ciidan isku dhaf ah oo oo ka kala yimid maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo loogu talo galay iney wax ka qabtaan amaanka magaaladaas.

Markii Ciidankaas la wareegeen amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa dadka magaalada waxaa ay sheegeen in ay ka nasteen dilalkii qabiilka iyo dagaalladii magaalada ku dhex mari jiray maleeshiyaadka ka soo kala jeeda Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Arimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Kooxo hubeesan oo ka dagaalamaya Dhismayaal kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Dar-dargalineysa arrimaha la xiriira ganacsiga xorta ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---