Afduub ka dhacay Muqdisho iyo qaar kamid ah dadkii ka dambeeyay oo la qabtay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir kusoo qaabtay qaar kamid ah kooxo afduub u geestay nin shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay kooxo hubeesan ayaa gudaha degmada Dharkeenley ku afduubtay nin u shaqeenayay shirkad bixisa adeega Internetka, waxa ayna kooxdan ninkaasi ku qariyeen guri kuyaala degmada Dharkeenley,

Ciidamada amaanka oo lagu soo wargaliyay dhacdadan ayaa durba sameeyay howlgalo balaaran, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay soo bad baadiyaan ninka la afduubtay sidoo kale soo qabtay labo kamid ah ragii afduubka ka dambeeyay.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Abuukar Axmed ayaa sheegay in ciidamada amaanka soo qabteen gaarigii afduubka loo adeegsaday darawalkii waday iyo askari qeyb ka ahaa afduubka, waxa uuna xusay in ay baxsadeen rag kale oo afduubka qeyb ka ahaa.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ragan afduubka geestay in ay yihiin Shabakad horey uga jirtay degmada Dharkeenley, waxa uuna xusay in ay afduuban jireen inta badan Injineerada guryaha ka dhisa degmada si lacag madax furasho ah looga siiyo.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aan looga baran in ay ka dhacaan falal afduub ah oo dadka madax furasho looga qaato, waxa ayna arimahan kusoo aadayaan xili magaalada ka howlgalayaan ciidamo badan oo booliis ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -