(Sawirro) Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu wareejiyey dokumentiyo muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Hawlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta, Ismaaiil Cabdiraxmaan Sheekh, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Xamse ayaa ka dhageystay, isla markaana su’aalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballanqaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwaas oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda DanQaran.

“Soo gudbinta qorshe howleedka Wasaaradaha Xukuumadda, oo maraya heer gabagabo ah, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa hey’adaha kala duwan ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Raisul wasaaraha.

Wasiirada xukuumada ayaa maalmihii la soo waday iney raisul wasaaraha Somalia u gudbiyaan dokumentiyo qoran oo ku saabsan qorshe howleedkooda mustaqbalka waxaana ilaa soo gudbiyey wasaarado badan, halka qaar kalena ay weli dhiman yihiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -