Hoos u dhac weyn oo ku yimid hantida Madaxweyne Donald Trump

Sida lagu xusay warbixin ay wakaaladda wararka ee AFP kasoo xigatay wargeyska New York Times Macluumaadka ku saabsan canshuurta Madaxweyne Donald Trump ayaa muujiyay inuu muddo 10 sano gudahood ah ku lumiyay lacag dhan $1.17 bilyan oo doolar.

Khasaaraha la qeexay inuu ku yimid hantida Trump oo billowday 1980-meeyadii ayaa ka weyn mid walba oo soo maray guud ahaan shakhsiyaadka canshuurta bixiya ee dalka Mareykanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in Trump uusan canshuurta dakhliga usoo xarooday bixinin 8 sano oo ka mid ah 10-ka sano ee khasaarahaas uu ku yimid.

Warqadihii canshuur celinta ee uu Trump u gudbiyay waaxda federaalka sannadkii 1985-kii ayaa muujiyay inuu ku xusay khasaare dhan $46.1 milyan oo doolar, kuwaasoo ka soo gaaray ganacsiyadiisa kala duwan ee isugu jira hoteellada iyo dhismeyaasha.

10-kii sano ee xigtay ayuu khasaaraha sii socday wuxuuna sannadkii 1994-kii gaaray isku darka $1.17 bilyan oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -