Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

ONLF oo oo ka digtay in la qeybiyo Gaaska cusub ee laga helay dhulka Soomaalida

Jabahadda ONLF oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay.

Afhayeenka ONFL Cadaani Hirmooge ayaa warbaahinta u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ee kunool degaanka ay leeyihiin gaaska tirada badan ee laga helay degaanka, islamarkaan aysan jirin heshiis rasmi ah oo laga gaaray.

Waxaa uu sheegay in Soomaalida iyo Oromadda in dhibaato badan lagu heyn jiray oo kheyraadka dalka aan laga talagalin jirin, laakiin hadda aysan yeeli doonin in dowladda Itoobiya ay la baxdo heshiis la’aan.

Hadalka ONLF ayaa ku soo aadaya xili dowlada Itoobiyaay sheegtay in gaaska laga hgelay dhulka Soomaalida 40% ay leeyihiin dadka dhulkooda laga helay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil wareejinta Gudoomiyaha G/Banaadir oo socota & Xamse Barre oo..

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Queenstown iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maxkamad kutaala Hargeysa oo Xukun ku riday Wariye Cabdimaalik Coldoon 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---