Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiis lagu dhax dilay Xabsi kuyaala gobolka South Carolina

Rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay gudaha xabsi kuyaala gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka, rabshadahan ayaana dhax maray maxaabiis gudaha xabsigaasi ku xirneyd.

Inta la xaqiijiyay 7-maxbuus ayaa ku dhimatay rabshadaha ka dhacay xabsiga waxaa sidoo kale ku dhaawacmay todobo qof oo kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha xabsiga rabshadaha ka dhaceen.

Maxaabiista rabshadaha dhax mareen ayaa ka dhashay waxyaabo sharci daro ah oo gudaha xabsigaasi lagu iibinayay, waxaana dagaalka Maxaabiista u adeegsadeen toorey iyo biro.

Bryan Stirling oo madax u ah waaxda dusha kala socota xaaladda maxaabiista South Carolina ayaa sheegay in buuq iyo is qab qabsi dhax maray maxaabiista ay sababtay in ay gacmaha iskula tagaan isna dilaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo: “Damaca guracan ee Xasan Shiikh lama aqbali karo”

Caydiid Ali

Dad kasoo jeeda dalka Eritrea oo lagu weeraray Jarmalka xilli ay xaflad dhiganayeen

Cabdi Cade

(Akhriso) Wasaarada Isgaarsinta DF oo shacabka uga digaysa dhul ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---