Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay Wiil & Aabihiis dhac geysanayey (Daawo Sawirro)

Booliska dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Wadajir waxay ku soo qabteen labo qof oo ku eedeysan burcadnimo, kuwaasoo kala ahaa wiil iyo aabihiis.

Raggan burcadnimada ku eedeysan ayaa lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida si ay u xukunto ciqaabta ay mudan yihiina u mariso.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cabdiraxmaan Macalin Cali ayaa in wiilkan iyo aabihiis ay isku dayayeen iney lacago baad ah ka qaataan guri uu dhismo ka socday oo ku yaala degmadaas, iyagoo handadaad u geystay shaqaalihii dhismaha iyo milkiilaha gurigaas.

“Markii aan dhageysanay cabashadan, waxa aan wargeliyay Taliyaha Saldhigga Booliiska Wadajir oo ugu dambeyn u suurta gashay inay gacanta kusoo dhigaan labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo Wiilkiisa Qadar oo ah ragga burcadnimada iyo baada lagu soo eedeeyey” ayuu yiri Gudoomiyaha Wadajir.

Cabdi-baasid Maxamuud Cagey Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Wadajir ayaa sheegay in Aabaha iyo wiilkiisa ay si xeeladeysan ku soo qabteen maadaama ay hubeysnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -